Sabti, Ogoosto 29, 2015 (Daljir) — Maxkamadda Federalka ee magaalladda Miami ee Gobalka Florida ayaa waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali Kenyan lagu magacaabo Mohamed Hussien Saeed, kaasi oo ay Saraakiisha FBI-da Maraykanka ku eedeeyeen inuu Kumanaan Dollar u xawilay Xarakadda Alshabaab.
Eedeysanaha oo 27 jir waxaa bishii May ee sannadkan lala galay Heshiis horseeday in Xabsi Daa’inkii uu muteysn lahaa loogu beddelay 15 sanno, iyadoo ay Waaxda FBI-da ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisdda sheegeen inuu qalab iyo kharaj u diray Xarakadda Alshabab.
Dhegeysiga Dacwadiisa ee shalay ayey waxay Garyaqaanadda u doodaysay codsatay in lagu xukumo muddo 8 sanno ah.
Garyaqaanadda oo lagu magacaabo Silvia Pinera-Vazquez ayaa sheegtay inuusan Eedeysanaha loo haynin caddaymo muujinaya inuu dhibaatayn lahaa Muwaadiniinta Maraykanka.
Dacwad-oogaha, Rick Del Toreo ayaa sheegay inuu Eedeysane Mohamed Hussien Saeed 11,000 oo Dollar u diray Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu xiriir la sameeyey Hoggaamiyayaasha Alshabab iyo inuu Dhallinyarro u qoray Alshabaab, waa sida uu ka sheegay Maxkamadda Federalka ee Miami.
Garsooradda Maxkamadda Federalka ee Miami, Ursula Ungaro waxay la barbar noqotay Dacwad-oogaha, iyadoo sheegtay inuu Eedeysane Mohamed Hussien Saeed khadka Internetka kula ciriiray Sarkaal ka tirsan FBI-da oo isaga dhigay Jihadiste, isla markaana uu Eedeysanaha dhaqaale ku taageeray Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay.
COMMENTS