Maraykanka oo tirada dadka u dhintey Coronavirus ay ka sara martay dalka Talyaaniga

Maraykanka oo tirada dadka u dhintey Coronavirus ay ka sara martay dalka Talyaaniga

Dalka Maraykanka ayaa noqday wadanka ugu badan ee dad ay ugu dhintaan cudurka Coronavirus iyadoo dalka Talyaaniga uu ahaa wadanka ugu badan ee dad ay ugu dhintaan cudurkan.

Dad gaaraya 19,701 ruux ayaa ugu dhintey cudurkan Covid-19 dalka Maraykanka iyadoo dalka Talyaaniga dadka uu diley cudurkan ay gaareysay 19,468.

New York ayaa ah gobolka ugu badan ee ay uu cudurkan dad ku dilo iyadoo uu cudurkan iilka seexiyay dad gaaray 8,600 oo ruux.

Wadanka Maraykanka dadka uu cudurkan soo ritey ayaa waxa ay gaarayaan shan boqol oo kun ruux halka dalka Talyaanigana ay ka tahay 150,000 ruux.

Guud ahaan caalamka ayaa tirada u geeriyootay cudurkan waxa ay gaareysaa
107,000 oo ruux halka dadka uu hayna ay kor u dhaaftay 1.7 million, balse waxaa ka bogsaday dad ku dhow afar boqol oo kun oo ruux.

Dalalka Faransiiska iyo Spain ayaa laga soo calaamadeeyay hoos u dhac ku yimid dadka u dhintey cudurkan.

Wadanka Canada ayaa dadka laga helay cudurkan ay gaartay 22,559 ruux kadib markii baaritaan la sameeyay laga helay dad gaaraya 1,316. Waxaana heerka dhimashada dalka Canada ay gaartay lix boqol oo ruux.

Dalka Turkiga ayaa dadka u dhintey cudurkan waxa ay kor u dhaaftay 1,101 ruux halka dadka cudurkan uu soo riteyna ay gaarayaan 52,167.

Kenya ayaa dadka uu cudurkan soo ritey waxa ay gaartay 191 ruux iyadoo baaritaankii u dambeeyay ee la sameeyay la helay labo ruux oo uu ku dhacay cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com