Yurub siiba Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa weli wada hanjabaadaha ka dhanka ah Ruushka. Macron Madaxweynaha Faransiiska oo waraysi siiyey Jaraa’idka Le Parisien ayaa u sheegay, “Waxaa gabogabo maraya qorshaha Faransiiska iyo Ingiriiska, dalal kalena waa xiisaynayaan. Muhiimaduna waa in ciidamo loo diro Ukraine. Ukraine haddeerba waxay leedahaya ciidamada ugu badan Yurub oo hal milyan gaaraya. Marka waxay u baahanyihiin in dhowr kun oo tababara loo diro, taasina waxay muujineysaa sida aan ugu heelanahay Ukraine, waliba waqtiga fog.”
Macron oo ka jawaabaya su’aal ahayd arrinkaas Putin raalli kama aha ayaa ku jawaabay, “Ukraine waa qaran madaxbannaan oo hadday codsato in ciidamo dhulkeeda la keeno hawl Ruushka u taal ma aha.”
Putin ayaa hore uga digey in ciidan Yurub oo Ukraine la keenaa uusan waxba uga duwanaan doonin kuwa Ukraine, uuna isku si ula dhaqmi doono. Sannadkii hore Macron oo tijaabinaya tallaabada Ruushku qaadi doono ayaa boqol ku dhawaad ciidamada Faransiiska ee loo yaqaan “Foreign Legionnaires” oo laga dhigay calooshood-u-shaqeystayaal (mercenaries) waxa uu u soo direy Ukraine, laakiin maalmo gudahood ayaa hoteelkii la dajiyey oo ku oollaa magaalada Kharkiv gantaalo Ruushku ku garaacay, ciidamadii Faransiiskana ka dhigay wax dhintay iyo wax dhaawacmay (https://www.lemonde.fr/…/french-mercenaries-killed-in…). Wixii maalinkaas ka danbeeyey war ku saabsan French mercenaries lama maqal.
Qorshaha Faransiiska iyo Ingiriiska ee ciidan keenista Ukraine ayaa lagu macneeyey mid la rabo in ay dabin ugu dhigaan Mareykanka si uu dagaalka uga qaybqaato. Laakiin Mareykanka ayaa si qayaxan u sheegay Yurub in uusan marnaba ciidan geyn doonin Ukraine.
Yurub oo la ildaran dhaqaale xumo iyo deyn xad dhaaf ah oo aan la maareyn karin ayaa sida aan maqaaladeenii hore ku sharraxnay waxa ay abaabulaysaa dagaal ay horseed u yihiin bangiyada reer Galbeedku (https://www.facebook.com/share/p/1EjFo7BTXf/) si loo helo damaanad dhaqaale oo cusub, macnuhuna yahay khayraad dal ama dalal kale oo lala wareego. Haddii si kale loo yiraahdo, Ukraine uma baahna Yurub ee Yurub baa baahi weyn u qabta Ukraine diyaarna u ah in ay dagaal galiso inta laga helayo qof Ukraine ah oo qori qaadi kara. Laakiin su’aashu waa, “Waa maxay qorshaha Yurub markii la waayo qof qori qaadi kara?”
La soco wararkeena danbe oo ka jawaabi doono qorshaha xiga Ukraine.
> Daljir Media
COMMENTS