Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka argagaxiso ee 24-kii Luulyo ka dhacay Muqdisho, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay.

Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman.

Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay.

Weerarkan ayaa mar kale muujinaya in Kooxda al-Shabaab aysan dhowreynin nolosha dadka Soomaaliyeed ayna carqalad ku yihiin horumarka ku aadan nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab
taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna ​​dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com