Mareykanka oo duqayntii labaad ee todobaadkan ku dilay afar ruux buuraha gobolka Bari

Mareykanka oo duqayntii labaad ee todobaadkan ku dilay afar ruux buuraha gobolka Bari

 

Duqaymaha xirka ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya todobaadkan ayaa lagu dilay 17- ka mid ah kooxaha Daacish, sida lagu sheegay war kasoo baxay militariga Mareykanka.

Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa sheegay duqayntan oo ka dhanka ahayd kooxaha aragaxisada buuralayda Golis inay ku geeriyoodeen 13, ruux taasi oo dhacday 8dii bishaan May, waxaana duqayn kalle oo ku xigtay maalin kadib lagu dilay afar kalle.

AFRICOM ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in wax khasaare uu soo gaarin dadka rayidka duqaymaha cirka ay wadaan.

Dadka deegaanada Camayra iyo Iskushuban ayaa sheegaya maalmihii lasoo dhaafay in la maqlayay qaraxyo iyo duqaymo xagga cirka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com