Mareykanka oo gad cusub ka bilaabay gayiga Kookaska (Caucasus Region) diyaarinayana colaad Azerbaijan-Ruushka iyo Azerbaijan-Iran

Mareykanka oo gad cusub ka bilaabay gayiga Kookaska (Caucasus Region) diyaarinayana colaad Azerbaijan-Ruushka iyo Azerbaijan-Iran

Qorshihii Mareykanka ee dagaalka Ukraine salkiisuna ahaa in Ruushka dhowr dal loo qaybiyo si loo boobo khayraadka xad-dhaafka ah ee Ruushka waa uu ku guuldareystay Mareykanku, dagaalkuna hadda waa mid gabagabo ku dhow, sansaantiisuna u muuqato mid uu Ruushku kula wareegi doono Ukraine oo dhan, aan ka ahayn qaybo yar oo dhanka galbeedka, siiba dhanka xuduudaha Poland iyo Hungry. Saas oo ay tahay, Mareykanka oo reer Galbeedka hoggaanka u haya waxay u muuqdaan in ay aag dagaal oo cusub ku furi doonaan Ruushka iyo waliba Iran ayada oo la saadaalinayo in colaad cusub laga dhalin doono gayiga Kookaska.

Kookasku waa dalalka u dhexeeya Bariga Yurub iyo Galbeedka Aasiya yaalana inta u dhexaysa Badda Madow (Black Sea) oo dhanka galbeedka ah iyo Badda Kaasbiyaanka (Caspian Sea) ee dhanka bari. Dhanka waqooyiga waa jamhuuriyado hoostaga fadareeshanka Ruushka, sida Jajniya, Dagestan iyo Ingeeshiya. Dhanka koonfurta waa dalaka Georgia, Armenia, iyo Azerbaijan. In la isku diro Ruushka iyo Georgia horaa loogu guuldaraystay, haddana hoggaanka cusub ee Georgia waa mid fahamsan qorshaha reer Galbeedka, wada shaqayn fiicana la leh Ruushka, kana badbaaday afgambi reer Galbeedku aad uga shaqeeyeen, laakiin markii danbe dhicisoobay.

Dhanka Armeeniya oo waligeed ahayd saaxiib dhow oo Ruushka waxaa hadda hogganka haya Pashinyan oo u janjeera dhanka reer Galbeedka, shacabkiisuna aysan jacayl u hayn oo ayba ku eedeeyeen in uu si dadban dalkii gacanta u galiyey Azerbaijan, cadowga koowaad ee Armenia.

Waxaa kuu soo haray Azerbaijan oo ah dal Muslin ah, qowmiyad ahaana Azerigu ah waa qowmiyadda Turkic, ku hadla luqadda Turkiga, haddana kamid ah qowmiyadaha Iran, laakiin xiriir siyaasadeed oo aad u dhow la leh Turkiga iyo israa’iil, oo waliba Israa’iil ay ku leedahay saldhigyo dahsoon oo sirdoon iyo waliba kuwo milateri. Waxaa jira eedaymo qarkood la sheegay in loo hayo xaqiijimo oo ah in badi argagixisadii Iran ka soo weerartay gudaha dalka ay ka soo jeedaan Azerbaijan. Waxaa intaas sii raaca in diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo soo dulmaraya Turkiga iyo Azerbaijan ay Tehraan iyo magaalooyin kale ka soo duqeeyeen dhanka Caspian Sea. Waxaa intaas sii raaca in darooniska Israa’iil oo joogto uga soo kacaya Azerbaijan ay duqeeyeen Iran. Safiirka Iran ee Azerbaijan oo dacwad u gudbiyey dawladda waxaa loogu jawaabay “waa baareynaa.”

Haddaba waa maxay qorshaha cusub ee Mareykanku? Sida xeeldheerayaasha siyaasaddu saadaalinayaa, Madaxweynaha Azerbaijan waxaa lagu sifeeyey nin reer Galbeedka iyo Turkigu keensadeen, sidaas darteedna markii loo baahdo la dagaal galin karo. Dagaal-galintii ugu horraysay waxay bilaabatay, waa sida xeeldheerayaasha siyaasaddu sheegayaan, kaddib markii warbaahinta Azerbaijan asbuucii la soo dhaafay, dagaalkii Iran iyo Israa’iil kabacdi ay bilaabeen in ay si toos ah ula saftaan Ukraine. Ruushka ayaa asna dhankiisa bilaabay in uu xirxiro maafiyo Ruush ah dhalasho ahaan, laakiin qowmiyad ahaan ka soo jeeda Azerbaijan. Azerbaijan dhankeeda waxay bilowday in ay dalkeeda ka soo aruriso wixii Ruush joogay, walibana ay si foolxun ula dhaqanto.

Annaga oo aan faahfaainta ku talaxtagin, muhiimaddu waa in ay bilaabatay sansaan colaadeed oo Ruushka ka dhan ah, taas oo la filayo in ay noqoto aag cusub oo dagaal labada dhanba, dhanka Iran iyo dhanka Ruushka.

Asbuuca soo socda waxaa mareykanka ka degaya Netanyahu oo la filayo in uu qorshe cusub oo dagaal ula tagi doono Trump, qorshahaas ayaa la filayaa in ay qayb ka noqon doonaan Azerbaijan iyo Armenia. Laakiin waxaa la yaab noqotay sababta Armenia oo awal ahayd saaxiib dhow oo Ruushka, qayb dhulkeedana Azerbaijan ay haysato ula safanayaan Mareykanka iyo Israa’iil. Jawaabta ayaad moodaa in ay tahay, “madaxda aad moodayso in ay dal iyo dad matalaan, waxay matalaan dano dawlado shisheeye, waxayna fuliyaan danahaas shisheeye, xataa haddii dalkoodu ku dumayo.”

Daljir ha ka fogaan.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com