Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Villa Somalia lagu ogaysiiyey in go’aamo aan Soomaalidu u dhammeyn aan meel lagu gaari doonin.

“Dhammaan danleyda Soomaaliyeed waa in ay door ku yeeshaan isbeddelada ku saabsan nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aannada la iska gaadho iyaga oo aan loo helin taageero ballaaran oo bulsho waxay waayi doonaan sharciyad lagu meelmariyo, waxayna iska indhatirayaan caqabadaha amni ee taagan,” ayaa qoraalka oo lagu baahiyey barta X lagu sheegay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa raba in uu meelmariyo qorshe ay gadaal ka riixayaan Turkiga iyo Qadar, kuna rabaan sidii uu mar kale Xasan Shiikh ugu soo noqon lahaa talada dalka, laguna baabi’iyo nidaamka fadaraalka Soomaaliya.

Baabi’inta nidaamka fadaraalka ayaa sida lagu sheegay qodabadii ka soo baxay shirkii hadda ku soo dhammaaday Xamar ku bilaabanaya burburinta Dawlad Goboleedka Jubaland, ayada oo dawlad cusub Madaxweyne Xasan Shiikh uu u yagleeli doonaa. Dawladda cusub ee Jubaland waxaa soo dhisaya Wasiir Cali Xoosh. Dhismaha maamul cusub oo Jubaland kabacdi ayaa warar hoose sheegayaan in uu ku xigi doono maamul cusub oo Puntland loogu yagleelo Xamar, maamulkaas oo ay hormuud u noqon doonaan Cali Xoosh iyo Xasan Abgaalow.

Qorshaha Turkiga iyo Qadar ayaa ku salaysan sidii Soomaaliya looga yagleeli lahaa dawlad dhexe oo xooggan oo laga saxiixdo khayraadka dalka, saxiixaas oo uu bilow u ahaa heshiiskii shidaalka ee ay dhawaan wada gaareen Villa Somalia iyo dawladda Turkiga. Heshiiska ayaa dhigaya in Turkigu yeesho 95% shidaalka Soomaaliya, 5% soo hartayna Soomaaliya leedahay, laakiin Soomaaliya bixiso kharashaadka ku baxaya ciidamada Turkiga ee ilaalin doona danaha Turkiga. Turkiga iyo Qadar ayaa la sheegay in ay ku shiraakoobeen qaybsiga khayraadka Soomaaliya.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com