Mareykanka oo ka hadley Arrimaha deynta Cafinta Soomaaliya

Mareykanka oo ka hadley Arrimaha deynta Cafinta Soomaaliya

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaartay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha , xilli ay taagan tahay halista cudurka Coronovirus.

Donald Yamamoto, oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay in ay Soomaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta.

Wuxuuna sheegay Safiirku in ay Soomaaliya yeelatay mustaqlab ifaya, isagoo intaa raaciyay in uu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com