Trump oo xalay ku hantaatacay inuu xasuuqayo dadka reer Gaza ayaa maantana maamulkiisu waxa uu soo saaray war ku saabsan in uu qorshenayo sidii shidaalka Iran oo badidiisa Shiinaha loo dhoofiyo uu xannibaad u saari lahaa, una joojin lahaa maraakiibta Iran ee shidaalka ku raran.
Iran waxay maamushaa Gacanka Hormuuz oo uu maro in ka badan 40% shidaalka adduunka. Iran ayaa hore ugu goodisay in uusan Mareykanku lahayn awood uu markaakiibta Iran ku xannibo, hadduu isku dayana uu cawaaqib xumo kala kulmi doono.
Maamulka Trump ayaa sheegay in ay marmarsiinyo ka dhigan karaan in Iran maraakiibteeda loo xannibayo si aysan ugu guulaysan in Iran isku hubeyso hubka halista ee nukliyeerka.
Israa’iil ayaa sidii Trump loo doortay waxay ku goodineysaa in Trump ay la kaashan doonto sidii Iran weerar culus loogu qaadi lahaa. Israa’iil la’aanta Mareykanka ma awooddo in ay Iran ku duusho ama xataa duqeyso.
Dhawaan waxaa heshiis difaac dhexmaray Ruushka iyo Iran, Iran iyo Shiinaha ayana waxaa ka dhexeeya xiriir aad u dhow.
Mareykanka ayaa sidoo kale u goodinaya Shiinaha, taas oo keentay in shalay Shiinuhu ku jawaabo, “Waxa Mareykan raadinayaa haddii uu dagaal yahay, ha ahaado dagaal tariifo, dagaal ganacsi, ama nooc kasta oo dagaal, diyaar baan u nahay dagaalkaas illaa iyo dhammaadka (https://www.facebook.com/share/p/1Gsj29ygAh/).”
> Daljir Media
COMMENTS