Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay duqayn xagga cirka oo ay ka fuliyeen Soomaaliya inay ku dileen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaan ka mid ah gobolka Baay oo magaalada Muqdisho ujirta 160-KM.
Duqayntan ayay sheegeen taliska Mareykanka inay fuliyeen diyaaradahooda kuwa dagaalka kuwaasi oo ay sida ay yiraahdeen la beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo goobta ku sugnaa.
Waxaa ay duqaynta ku dhacday wada shaqayn dhexmartay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo Mareykanka sida lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRIKOM.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqaymaha ku qaado Al-shabaab kadib markii uu amray madaxwaynaha Mareykanka Trump in la beegsado goobaha Al-shabaab ay ku suganyihiin, waxaan wargayska The Long War Journal uu sheegay inay dhaceen 15-duqayn oo kadhan ah Al-shabaab tan iyo markii xilka uu la wareegay Trump.
COMMENTS