Mareykanka oo sheegay in Askari iyo xubno kale looga dilay weerarkii Saldhigga Lamu

Mareykanka oo sheegay in Askari iyo xubno kale looga dilay weerarkii Saldhigga Lamu

Mareykanka ayaa war ka soo saartay weerar ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Milateri ku yaalla deegaanka Manda Bay ee Gobolka Xeebta Lamu ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay labo askari kale, inkastoo aan magacyadooda la sheegin.

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askari ka tirsan ciidankooda iyo labo qandaraaslayaal Wasaaradda Difaaca Mareykanka lagu dilay weerarka.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in weerar culus ay ku qaadeen saldhigga Ciidamada Manda Bay ee Gobolka Lamu, ayna khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Weerarka lagu qaaday xerada Ciidan ayaa khasaare waxaa soo gaaray illaa lix diyaaradood oo yaallay xerada Milateri

Dowladda Kenya ayaa horey sheegtay in aanay wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas, dableydii Al-Shabaab ee soo weeraray la iska caabiyay, lana dilay, iyagoo soo bandhigay meydadka illaa shan dagaalame iyo hubkooda oo ay ku jiraan qoryaha BKM iyo RPG.

Waa weerarkii u horeeyay noociisa ee Al-Shabaab ku qaadaan saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykan ah, meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xerada Manda Bay ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee Afrika, kuwaasoo tababara Ciidamada Kenya.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com