Mareykanka oo sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu sameeyay sheybaar ku yaala Wuhan

Mareykanka oo sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu sameeyay sheybaar ku yaala Wuhan

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu soo unkay sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Magaalada Wuhan ayaa aheyd halkii uu ka soo bilowday cudurka Coronavirus ee saf marka noqday, kaasoo ku faafay adduunka oo dhan, waxaana uu sababay in boqolaal kun ay u dhintaan, halka malaayiin kalena la ildaran yihiin.

Mike Pompeo ayaa sheegay in uusan heyn sabab uu shaki u geliyo warbixinta Sirdoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in Fayraskan uusan aheyn mid bani’aadam gacantiisa ku sameeyay.

Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanka duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha Shiinaha.

Shiinaha ayaa horay gaashaanka ugu daruuray wararka sheegayay in mid ka mid ah sheybaaradiisa uu ka soo fakaday fayraskan dunida halakeeyay

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com