Mareykanka, Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ka Horyimid Qaraar Yurub ay ku Cambaareyneyso Ruushka, Farayana in Ruuskhu Ciidamadiisa kala Baxo Ukraine iyo Soomaaliya oo taageertay
Markii ugu horraysay indhawaale taariikhda cusub, waxaa hal meel ka soo wada jeestay oo diiday qaraar Yurub keentay Qaramada Midoobay dawladaha Mareykanka, Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya kaddib markii Yurub oo ay garwadeen u yihiin Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku ay Golaha Qaramada Midoobay keeneen qaraar lagu cambaareynayo Ruushka, farayana in Ruushku ciidamadiisa kala baxo Ukraine.
Qaraarka waxaa diiday Mareykanka, Ruushka, Belarus, Waqooyiga Kuuriya, Eritrea, Mali, Nicaragua, Niger, and Sudan. Soomaaliya oo dhawaan heshiis dibloomaasiyeed Ukraine kula saxiixatay Turkiga ayaa taageertay qaraarka Yurub iyo Ukraine. Jabuuti ayaa sidoo kale taageertay qaraarka.
Diidmada Mareykanka ayaa tusaale maanta u ah heerka uu marayo isbaddalka siyaasadeed ee ka dhacaya adduunka, isbaddalkaas oo uu keenay dagaalka Ukraine kaddib markii dalalkii reer Galbeedka ee Mareykanku hormuudka u ahaa ay ku jabeen dagaalkii ay sida wadajirka ah ayaga oo Ukraine iska hormarinaya ugu qaadeen Ruushka. Dagaalka ayaa dhaqaale burbur iyo siyaasad burbur lixaad leh ku keenay reer Galbeedka, sababeyna in Trump loo doorto Madaxweynaha Mareykanka, diidmo shacabka Mareykanku diidanyihiin dagaalka Ukraine darti.
Shacabka Yurub oo sidoo kale ayana u diidan dagaalka Ukraine waa ay ku khasaareen doorasho kasta oo la doorto siyaasi diidan dagaalka, oo siyaasiga ayaa doorasho kabacdi siyaasaddii Ukraine ka sii wada meeshii kii hore uga tagay. Taageerada Yurub ee dagaalka Ukraine iyo diidmada Mareykanka ayaa hadda sababtay in reer Galbeedkii kala xiriir furto, oo xataa Mareykanku uu Yurub ku soo rogo tariifo ganacsi oo aan hore u jirin.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa hadda dhan isaga soo dhawaanaya, dhanka kalena Mareykanka iyo Shiinaha ayaa hadda qarka u saaran dagaal, kaddib markii Mareykanku uu u maaro waayey in uu dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga kaga adkaado Shiinaha. Ruushka, Shiinaha, iyo Iran iyo ururkooda dhaqaale iyo ganacsi ee ah kan haatan adduunka ugu weyn, waa BRICS e, ayaa dhanka kale isku xulufo ah oo si dadban dagaal toos ah oo dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ugu haya Mareykanka.
Saas oo is xulufaysiga adduunku isku badalayo, Soomaaliya ayaad mooddaa inayba moogtahay isbaddalka dunida ka socda oo kuwii shalay Soomaaliya biili jiray ay suurtagal tahay in ay berriba biilka goostaan, in kasta oo qaybo badan dhawaan la wada jaray, sida USAID iyo taaageerada Mareykanka ee ciidamada Danab.
Haddaba maxaa Soomaaliya u talo ah. Maxay se Soomaaliya faa’iido ku qabtaa taageerida Ukraine?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS