Asalaamu Caykumn Waraxmatullahi wa barakaatuhu
Walaalayaal
Salaan diiran ka dib, Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo oo todobadii sano oo u dambeysay ahayd Xudunta Nabada Soomaaliya waxaa shacabkeedu ay ku noolaayeen nabad iyo isdhexgal sababay in magaaladu noqotay magaalo samaysay horumar balaaran. illaah baa mahadsaasi u sugnaatay, waxaa kale oon uga mahadcelinayaa dadaaladaas nabada shacabka , waxgaradka , maamuladada Puntland iyo GalMudug, gudiyada kala duwan ee nabadeynta, ciidamada xasilinta amniga iyo dhamaan inta nabada jecel oo ay ka mid yihiin shabakada ay ku mideysan yihiin qurbajoogta iyo qaranjoogta reer Mudug oo la yiraahdo Mudug Peace Building sida ay wadajirka uga shaqeeyeen xoojinta Nabada gobolka Mudug Alxamdullilah bisaylkaasuna waa kan sababay in si sahlan loo xakameeyo dagaalkii saacadaha ka socotay Magaalada Gaalkacyo.
Dhacdadaas dagaal ee dhacday hadaan nahay dhamaan dadka nabada ka shaqeeya iyo shacabka gobolka Mudug waxay noo noqon doontaa cashar aan wax ku barano si aanay mar dambe u dhicin inshall allah.
Waxaan u tacsiyaynayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskoodii , intii ku dhaawacantay iyo shacabkii ay dhagahooda ku dhacday xabad ay ugu dambeysay todoba sano ka hor.
Waxaan kula talinayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee ku hawlan nabadeynta beelaha ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug oo isugu jira maamulo iyo cuqaal tallooyinka soo socda:
1. Shacabka Gaalkacyo , gudiyada nabada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee nabada ka shaqeeya oo oo ku guuleystay in ay is xakameeyaan dhacdadii dagaal kadib nabadna ay adkeeyaan in ay ku sii dadaalaan in dhacdadaasi aanay raad ku reebin shacabka magaalada, cashar u noqoto hawlahooda nabadana sii Xoojiyaan.
2. Waxgaradka qabaa’ilada dirirtu ka dhaxayso oo sababta u ahaa dhacdadii lama filaanka ahayd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo in ay Joojiyaan Colaada dhexdooda ah oo nabada ay qaybta ka yihiin wax ka xoojiyaan , aqbalaana baaqyada kala duwan ee samjeclaha kala duwani ku baaqaan.
3. Maamulada Puntland iyo Galmudug oo aan uga mahadcelinayo dadaalkii nabada oo ay mudada soo wadeen in ay Dagdag ciidamadii horey looga qaaday in ay dhexgalaan qabaa’ilada dagaalamaya ay dagdag u soo ceshaan ,Masaafo loo dhaxaysiiyo dadka walaalaha ah oo dagaalamaya ayna masuuliyadooda gutaan inta la dhamaystirayo dadaalada nabadaynta ee socda.
4. Isimada ,waxgaradka iyo culumada Gobolka Mudug ee labada maamul ka soo jeeda oo aan ka mid ahayn qabaa’ilada is haya in ay gacan ka gaystaan dhamaystirka heshiiska walaalaha dirirtu ka dhaxayso.
5. Maaamulada Puntland iyo GalMudug waxaan ka codsanaynaa in ay dhaqangaliyaan go’aamada ka soo baxa Nabadeynta, sharci ka soo saaraan si aanay mar dambe diritu u soo noqnoqon.
6. Nabad jirayaashii ku hawlanaa Nabadaynta guud ahaan gobolka Mudug oo ay ka mid tahay Shabakada Mudug Peace Building in ay dadaaladooda Nabada ay sii wadaan.
7. Cid kasta oo lug ku leh hurinta colaadaha beelaha walaalaha ah ee galbeedka gobolka Mudug iyo dagaalada kale ee ka dhacay qaybaha kale ee gobolka sida Afbarwaaqo waxaan ka baryaynaa in ay ilaahay uga baqaan daadinta dhiiga dadka walaalaha ah oo nabad ku badalaan hurinta xasaradaha gobolkaan oo ka soo doogay dagaalo mudo dheer ragaadiyey.
Allaa Mahad leh
Caasha Gelle Diiriye
Nabad jire Gobolka Mudug
COMMENTS