Masar & Jabuuti oo oo Ciidamo ku yaboohay Hawlgalka cusub AUSSOM

Masar & Jabuuti oo oo Ciidamo ku yaboohay Hawlgalka cusub AUSSOM

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay soo biirtay Hawlgalka Cusub ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM, in badan toban kun oo askari ay u soo diri doonto Soomaaliya .

Dawlada Masaar ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso Cutubyo la tirsan Ciidankeeda oo ku qalabeysan Gaadiidka Gaashaamaan kuwa Ciidamada lagu daabulo Si ay uga qayb qaataan Hawlgalka Cusub AUSSOM.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed ka soo soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in soo dhaweynayaan dalakka ku soo biiraya howlgal ATMIS oo loo bedelay howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya Howlgalkan oo bedeli doona ATMIS ayaa magaciisa loosoo gaabiyaa AUSSOM.

Sodoo kale Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohay in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalkaa Cusub ee AUSSOM ee bedelaya Hawlgalka ARMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab ah iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Howlgalka ayaa qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga saarayo Al-Shabaab.

Hase ‘ ahaatee ku soo biiritaanka Masar ee Hawlgalka Cusub AUSSOM ayaa ku soo Aadaya xili ay xiisad ka dhex taagan tahay Somalia iyoItoobiya iyadoo si doo kale Masar & Itoobiya ay ka dhexeyso xiisad la xiriirta Qaybsiga biyaha Webiga Niil .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com