Masar oo Somaaliya usoo diraysa Deeq dawo

Masar oo Somaaliya usoo diraysa Deeq dawo

Safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya Dr. Waliid Ismaaciil ayaa sheegay in Deeq dawo ah oo gaareysa 2-Tan ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deeqdaan ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay Kaalmada Masar ee ugu talagashay Soomaaliya, sidoo kalana ay kordhinayaan Kaalmada Soomaaliya ee Xukuumadda Qaahira ku taageereyso.

Wakaaladda Wararka Masar ayaa oo Xogta warkaan daabacday ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee deeqdaan lagu wareejiyay ay u mahad celiyeen Dowladda Masaarida.

Si gaar ah waxa ay u sheegeen Dr. Cabdullaahi Xaashi oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo deeqdaan gudoomay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com