Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa wax ka qabashada cunto-yarida iyo isbedelka cimilada

Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa wax ka qabashada cunto-yarida iyo isbedelka cimilada

Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masar, Cabdifataax al-Siisi ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Algeria, waxay kaga wada hadleen hawlgallada ka dhanka ururka al-Shabab ee ka socda Soomaaliya, abaaraha iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa cunto yarida.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweynaha Masar ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen.

Haddaba warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa sidan u dhignaa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goballada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan Al-Shabaab. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com