MASHAARIICDA WORLD BANK EE SOOMAALIYA OO IL GAAR AH LAGU HAYO IYO HAYADDII E&Y KENYA EE WORLD BANK U QAABILSANAYD HANTIDHOWRKA OO LAGU HELAY MUSUQMAASUQ – Q5aad

MASHAARIICDA WORLD BANK EE SOOMAALIYA OO IL GAAR AH LAGU HAYO IYO HAYADDII E&Y KENYA EE WORLD BANK U QAABILSANAYD HANTIDHOWRKA OO LAGU HELAY MUSUQMAASUQ – Q5aad

Kaddib cabashooyin badan oo la xiriira musuqmaasuq, nin jeclaysi, iyo beenabuur waxbarasho iyo mid khibradeed oo la xidhiidha maamulka mashaariicda Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Laanta Hantidhowrka ee Baanka Adduunka ayaa ugu dambayntii dabagashay hay’adda EY Kenya ee u qaabilsan xisaabinta mashaariicda Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hay’addiina waxaa lagu helay in ay qayb ka tahay musuqa iyo nin jeclaysiga mashaariicda baanka Adduunka ee ay fuliso Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Hayadda EY Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay fududeysay hab-dhaqannada foosha xun ee musuqmaasuqa ayna musuqa u fududeysay madaxda Soomaaliya. Hayadda EY Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ku fashilantay inay soo bandhigto khilaafka daneed ee ka dhexjiray xulashada iyo fulinta afar qandaraas oo hoosyimaada SCORE iyo PFM 2. Waxaana intaas sii dheer in hayadda EY Kenya ay oggolaatay in qandaraasyada mid kamid madaxda dawladda gunno looga qoro. Tani waa dhaqan foolxun oo isku darsaday khiyaano iyo musuqmaasuq, mana aha mid xeerarka Baanka Adduunku oggolyahay ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.

 

Dhanka kale Baanka Adduunka waxa uu baaritaan ku wadaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey musuq aan xad lahayn oo raadkiisu yaal Villa Somalia. Ninka lagu magacaabo Eshak Adam Harunani ee hayadda hantidhowrka ee Deloitte Kenya iyo Tanzania, xarunteeduna tahay Nairobi ayaa Baanka Adduunka mas’uul uga ah baaritaanka mashaariicda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. David Nchimbi oo ka horeeyay Eshak ayaa hore loogu eedeeyay inuu xiriir hoose la lahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Villa Somalia ayaa hay’adda Deloitte hore shaqada uga cayrisay codsi ka yimid Bankiga Adduunka dartiis kaddib baaritaan dheer oo uu sameeyey Xildhibaan Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib.

La soco qaybta 6aad ee Madaxweynihii Musuqa iyo Musuqmaasuqii meel kasta gaaray ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com