Masuul dowladeed oo Qarax lagu dilay gobalka shabeelaha Hoose

Masuul dowladeed oo Qarax lagu dilay gobalka shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Shabeellaha Hoose.

Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” ayaa la xaqiijiyay in u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Bamka lagu weeraray Guriisa oo ku yaalla Afgooye.

Cumar Carrabey ayaa ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada, waxaana uu muddo dheer ka shaqeynaayay Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Daljir xaqiijiyay geerida Gudoomniye ku xigeenka.

Diwaanka
Wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com