Maalmo kahor kulankii Trump, Zelensky iyo Yurub, Ukraine waxay duqeysay dhuumaha ‘Druzhba’ ee shidaalka Ruushka ka keena geeyana labada dal ee Hungary iyo Slovakia oo aan shidaal meel kale ka helin. Madaxweynaha Hungry Victor Orban oo aad uga xanaaqay weerarka, kana mid ah hormuudka Yurub ee dagaalka Ukraine ku eedaynaya Zelensky, ayaa jawaab ka helay Trump. Trump oo qoraal qalinka ah uga jawaabaya cabashada Orban ayaa qoray, “Victor, ma jeclaan in aan arrinkaas maqlo aad baana uga xanaaqay. Slovakia u sheeg in aad tahay saaxiib igu weyn.”
Trump ayaa u maarala’ sidii uu ka yeeli lahaa Ukraine iyo Zelensky, asaga oo ay haysato laba daran kala dooro. Waa mar e haddii uu Ukraine cidla uga dhaqaaqo waxaa kahorimaanaya Aqalka Sare (The Senate) oo burburin kara qorshayaayiisha Madaxweyne; haddii uu sii wado taagerada Ukraine ayana waa tacab khasaaray oo Ukraine waxay ka laalaadaa qar daran.
Trump ayaa haatan u muuqda mid Ukraine afka ka taageeraya, sugayana inta Ruushku uu la wareegayo. Laakiin su’aal kalaa ah, ‘Yurub markaas maxaa u qorshe ah maadaama ay tahay dagaal doon aan tab iyo taag toona hayn?’
> Daljir Media


COMMENTS