Maxaa keenay Xil-kaqaadista Guddoomiyihii Guddiga Hirgalinta Doorashada Soomaaliya?

Maxaa keenay Xil-kaqaadista Guddoomiyihii Guddiga Hirgalinta Doorashada Soomaaliya?

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa la xaqiijiyay in xilka laga qaaday ka dib markii goor dhow ay kulan yeesheen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Sida ay uu Risaala u xaqiijiyay xubin ka mid ah guddiga xilka qaadista Gudoomiye Cirro waa loo codeeyay, xilkana waa laga qaaday.

Tirada xubnaha xilka kaga qaaday ayaa lagu sheegay in ahaayeen 15 xubnood, waxaana xubno ka mid ah guddiga dhinacooda ay beeneeyeen falkaasi.

Xubno kale oo ka mid ah guddiga ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedeen xilka qaadista, waxayna ku tilmaameen been abuur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com