Maxaa lagu soo kordhiyay dekedda Berbera?

Maxaa lagu soo kordhiyay dekedda Berbera?

Dekedda cusub ee magaalada Berbera oo ay dib u habeyn ku sameysay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa maanta dib loo furay, ayada oo munaasabdda ay ka qeyb-galeen wufuud caalami ah.

Wufuudda ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ah kuwa ka socday dalka Ethiopia, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada ee Ethiopia Axmed Shide. Wafdiga waxaa sidoo kale ku jira madaxweynaha dowladda deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar.

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland wuxuu soo bilaabmay 2 016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii. Maalinkii ansixinta waxaa isqabqabsi gaadhay gacan ka ahdal uu ka dhacay baarlamaanka Somaliland.

Maxaa lagu kordhiyay

Waxaana ay markiiba xammili karaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU
Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah
Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera
Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com