Maxaa looga hadlay Shirki Golaha Wasiirada Galmudug? (Daawo)

Maxaa looga hadlay Shirki Golaha Wasiirada Galmudug? (Daawo)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka usbuuclaha ah ee Golaha wasiirada Galmudug oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ayaa looga hadlay Ammaanka degaanada Galmudug, Cudurka Covid-19 sidoo kale Dib habeynta Ciidanka Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiiradda Galmudug.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay dhismaha Goleyaasha degaanada Galmudug oo dhawaan lagu waddo in ay ka bilowdaan 6 degmo oo ka mid ah degmooyinka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay Warbixino Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo maalmihii lasoo dhaafay shaqo ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug.

Hoos kaga bogo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com