Maxaabiis ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta cuntadii ka soomay kaddib markii sida ay sheegeen la musuqmaasuqay cuntadii loo karin jiray.
Xabsigan ayaa maanta waxaa gaaray masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caddaalada ee dowladda Puntland ayaga oo markii dambe xal ka gaaray cabashada Maxaabiista.
Maxaabiista ku xiran xabsiga Garoowe ayaa horay sidan oo kale waxa ay u sameeyeen gadood iyo cunto ka soomid, iyagoo cabasho ka muujiyay masuuliyiintii xabsiga gacanta ku haysay xiligaas.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS