MAXAAD KA TAQAAN SALDHIGGA MAREYKANKA EE AL-UDAID & QORSHAHA AMIIRKA QADAR?
Saldhigga Ciidamada Cirka ee Al-Udeid waa saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka Doha ee Qatar, waxaana iska leh Ciidamada Cirka ee Qatar (Qatar Emiri Air Force), laakiin se waxa uu deeggaan u yahay CENTCOM-ka Mareykanka. CENTCOM ama US Central Command (CENTCOM) oo ka duulaya Dooxa waxa uu hore duulaano ugu qaaday dalalka Ciraaq, Libya, Afgaanistaan, iyo Suuriya. Saldhigga waxaa ka hawlgala in ka badan 10,000 oo askari oo Maraykan ah, waana saldhigga ugu muhiimsan ee hawlgalada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Muhiimadda CENTCOM ee ugu weyn Ciraaq iyo Afghanistan kabacdi waxay ahayd duullaanka Iran. Duulaanka Iran waxaa aad u dhiirigaliyey Amiirka Qadar, Amiirka Sucuudiga iyo Madaxweynaha Imaaraadka. Sida aan Wargeyska New York Times ka soo xiganey, asbuucii hore Amiirka Qadar wuxuu Trump u sheegay in uu dhakhso uga takhaluso Iran.
Maanta Mareykanku wuxuu duqeeyey ceelashii gaaska adduunka ugu weynaa ee ay qaybsan jireen Iran iyo Qadar. Qadar lagalama tashan, duqeyntuna waxay saameyn ku yeelatay ceelasha Qadar. Iran oo qorshaha la socotayna waxay ku jawaabtay in ay ceelasha shidaalka Khaliijka ka wada dhigi doonto danbas.
Haddaba maxaa u talo ah Amiirka Qadar, kan Sucuudiga iyo kan Imaaraadka haddii ceelashooda danbas laga wada dhigo? Markii dalalkooda laga wado cararo xaggee bay u carari doonaan? Maxay se ka faa’iideen in ay Israal la saftaan, ka saftaan Iran, gurigoodana dab qabadsiiyaan?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS