Badi dadku wuxuu maqlaan Madaxweynaha Mareykanka Trump oo leh waa in Ukraine ay macdanteeda iyo dakadeheeda soo wareejisaa si ay u bixiso deyn dhan $500 oo bilyan oo Mareykanku leeyahay waan deyminay Ukraine. Laakiin dagaalku intaas waa ka sal dheeryahay.
Berri waxaa Washington imaanaya RW Ingiriiska Keir Starmer iyo wafti culus oo uu hoggaaminayo. Horay Isniintii waxaa u yimid Macron oo laabtay asaga oo faramaran oo haddana helay soodhaweyn maqaamkeedu aad u hooseeyo. Waxaa se ka sii horreyey shir degdeg ah oo Paris ka dhacay ayna isugu yimaadeen tunweynta Yurub.
Sida ilo xogogaal ahi sheegayaan, tan iyo kulankii Macron iyo Trump waxaa soo ifbaxaya warar ku saabsan shirkii Paris ee 17kii Febraayo, iyo waliba natiijada kulankii RW Keir Starmer iyo Zelensky ee Kiev ee 16 Janaayo oo labada dal ku kala saxiixdeen heshiis lagu sheegay ‘taariikhi’ oo aan la shaacin oo 100 sano ah. Heshiiskaas waxaa ku duugnaa oo hadda la shaaciyey waxa ku kallifay in Trump uu la soo istaago qayladhaan ah ‘Ukraine ha iska bixiso deyntii $500ta oo bilyan.’
Haddaba muxuu ahaa heshiiska Trump uu ogaaday ee 100ka sano ah ee dhexmaray Ingiriiska iyo Ukraine.
Inta aynaan idin la qaybsan faahfaahinta heshiiskaas qarsoodiga ah aan ku hormarno natiijada kulankii Yurub ee Paris. Dulucda natiijada shirkii Paris wuxuu ahaa si Yurub ay u hesho khayraadka Ukraine waa in ay sii waddo dagaalka Ukraine ayada oo rajadooda kaliya ay tahay ‘wuxuun baa dhici doona fashiliya Ruushka ee bal marna yeynaan joojin dagaalka, oo hadday ugu yartahay Putin baa dhiman kara ama dhaqaalahoodu wuu xumaan kara.’ Laakiin in dagaalku sii socdo, maadaama aysan Yurub tabar iyo taag toona hayn, waxaa lagu heshiiyey in Mareykanka laga dhaadhiciyo in uu dagaalka ku garab-istaago. Waxaa soo hormaray oo Trump u yimid Duda oo ah Madaxweynaha Poland iyo Macron oo Faransiiska ah, labadubana waa ku fashilmeen imaatankoodii. Waxaa berri imaanaya RW Ingiriiska Keir Starmer oo asna la filayo in uu fashil ka daran kii raggii hore la kulmo.
Aan u soo laabano waxa ka xanaajiyey Trump. Sida warar si hoose oo Mareykanku shaaciyey laga ogaaday waxaa la helay lifaaq kamid ah heshiiska 100ka sano ee Ukraine iyo Ingiriiska. Heshiiska waxaa ku cad in dhammaan macdanta iyo dekedaha Ukraine ay la wareegtay dawladda Ingiriisku, ayna awood u leedahay in wixii dawlad kale ah oo daneyneysa kheyraadka Ukraine ay Ingiriiska u soo marto. Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku ammuurtaas waa isagala socdaan, laakiin Mareykanka waa laqa qariyey.
Trump oo si toos ah raba in uu Ingiriiska u ceebeeyo wuxuu la soo istaagay ‘Ukraine ha soo wareejiso macdanta iyo dekedaha.’ Laakiin Zelensky oo noqday tuug la qabtay wax uu ku hadlo ayuu waayey, wuxuuna bilaabay in uu Trump meermeeriyo, laakiin Trump waa nin u dan leh Ingiriiska u soo socda oo dhanna ka leh, Mareykanoow na difaac, dhanna raba in uu la wareego wixii la difaacayey.
Su’aal kale ayaa ah, maxaa ku khasbaya Ingiriiska khayaano intaas le’eg? Sida ay sheegayaan dhaqaalo-yahanada adduunku, dawladda ingiriisku dhaqaale ahaan waa liidataa, waxaana laga yaabaa mardhow in sarrifka lacagta Pound Sterling ay dhulka gasho, waana sababta kumannaan tan oo dahabkii keydka ee bangiyada iyo ganacsatada awal London ooli jiray hadda badi loo soo wareejiyey Mareykanka (https://www.the-independent.com/news/world/americas/us-politics/jpmorgan-gold-banks-trump-tariffs-london-new-york-b2698797.html). Taas waxay kaliftay in Ingiriisku baadigoob u galo khayraad damaanad u noqda lacagta Ingiriiska si aan sarrifka Pound-ku dhulka u galin.
Shaki kuma jiro in Mareykanku uu Ingiriiska badda ku dari doono, laakiin ogoow Ingiriisku wuxuu indhaha ku hayaa Soomaaliya.
Haddaba saameyn intee le’eg baa musalifka Ingiriisku ku yeelan karaa Soomaaliya?
Soomaaliya waxay kamid tahay deegaanada Ingiriisku indhaha ku hayo oo uu rabo in khayraadka Soomaaliya uu u isticmaalo dammaanad ahaan, waana sababta uu aad u riixayo in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya asaga oo shidaalka iyo macdanta maanka ku haya.
Adduunku waxa uu marayaa meel khatar ah, waana mid looga baahanyahay muwaadinka iyo siyaasiga Soomaaliyeed in uu indhaha si fiican u furo oo fahmo salka dagaalada maanta ka socda adduunka iyo kuwa cusub oo hadda la abaabulayo.
FG: La soco maqaalka kan xigi doona iyo sida dhaqaale xumida ka taagan Ingiriiska ay saameyn daran hadda ugu yeelatay xorriyadda muwaadinka reer Ingiriiska ayada oo dawladdu u diyaargaroobeyso kacdoon dadweyne sidii loo xakameyn lahaa.
> Daljir Media
COMMENTS