Maxaad kala socotaa Qodobada maanta looga hadlayo shirka Teendhada Afisiyooni ee DFS & Dowlad Goboleedyada?

Maxaad kala socotaa Qodobada maanta looga hadlayo shirka Teendhada Afisiyooni ee DFS & Dowlad Goboleedyada?

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Shirka u dhaxeeya Golaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxeeynayaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Shirka oo shalay sirasmi ah uga furmay teendhada Afisiyooni ayaa Madaxda waxaa ay isku afgarteen ajandaha ay ka hadli doonaan iyo maalmaha uu shirka u socon doono.

Maanta oo Axad ah ayaa Madaxda waxaa ay guda geleen ajandaha shirka oo ah dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Madaxda ayaa waxaa ay isdhaafsan doonaan tallooyin ku aadan sidii si hufan ugu dhici laheyd doorashada Xubnaha ka harsan Aqalka Sare iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray warar leysla dhexmarayay oo sheegayay in dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo & in la dhimo tirada Ergada dooraneysa Golaha Shacabka, halka kuwa qaar ay kasoo horjeedaan, taas oo la filayo in aad uga doodaan.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Calamka ayaa isha ku haya go’aanada ay gaari doonaan Golaha wadatashiga doorashooyinka ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com