Ayada oo ay weli taaganyihiin eedaha iyo dhaawaca uu ciidamada qaranka u gaystay Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur (Wasiir TikTok), wasiirkii hore ee gaashaandhigga, horena uga tirsanaan jiray argagixisada al-Shabaab, ayaa waxaa hadda Wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi, sida Wasiir TikTok, waxaa asna dul hoganaya Warbixin Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo soo baxday sannadkii 2013.
Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo Xilkii kala Wareegay Wasiir TikTok
Waa se maxay sababta Wasiir TikTok looga wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga?
Waxaa maanta xilka Wasaaradda Gaashaandhigga la wareegay Wasiir ahna Xildhibaan Jibril Cabdirashid Xaashi horena u… pic.twitter.com/tcBAnfFFGq
— Daljir Media (@radiodaljir) April 6, 2025
Warbixinta Golaha Ammaanku (halkan riix: https://securitycouncilreport.org/atf/cf/%7B65BFCF9B-6D27-4E9C-8CD3-CF6E4FF96FF9%7D/s_2013_413.pdf) waxay Wasiir Fiqi ku eedaynaysaa in uu “xiriir dhow la leeyahay argagixisada al-Shabaab uuna beegsaday siyaasiyiin ay Wasiir Fiqi is hayeen (arag qodobka 10aad) asaga oo adeegsanaya xubno al-Shabaab.”
Warbixinta Golaha Ammaanka waxaa kale oo ku xusan in Wasiir Fiqi 4 Abriil 2012, uu RW Cabdiweli Cali Gaas u dhigay shirqool asaga oo adeegsanaya xubno argagaxisada al-Shabaab, mar uu RW Gaas ku sugnaa Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, uuna ka badbaaday iskuday dil.
Maxaad kala socotaa Warbixintii Golaha Ammaanka ee shaaca ka qaaday xiriirka ka dhexeeya Wasiir Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka cusub e Gaashaandhigga Soomaaliya, iyo argagixisada AS?
Ayada oo ay weli taaganyihiin eedaha iyo dhaawaca uu ciidamada qaranka u gaystay Wasiir… pic.twitter.com/AdZpztmWxL
— Daljir Media (@radiodaljir) April 28, 2025
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS