Maxay ka wada hadleen Deni & Madoobe?

Maxay ka wada hadleen Deni & Madoobe?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalintii 2aad ku sugan Garowe ayaa kulan Albaabada u xiranyihiin la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen in aysan doorashada maamuladoodu bilaabin si ay u qiimeeyaan Dowlad Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda labada Maamul ee isbahaysiga gaarka ah leh ayaa lagu wadaa inay kulamo kale yeeshaan ayna ka soo saaraan war murtiyeed la xiriira kulamadooda.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com