Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaaliya Nicolas Haysom ,wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir .
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya madaxda mamaul goboleedyada iyo dowladda Fadaraalka Soomalaiya .
Wakiilka ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf uu kala hadlay khilaafka dhexdoda ka taagan ee siyaasadeed , kaas oo maamulka Galmudug u kala qaybiyay laba garab.
Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhankiisa Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in walkiiilka ay kala hadleen in dowladda Soomaaliya ay ka dayso faragalinta ay ku hayso maamulka Galmudug .
Nicolas Haysom iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa horay waxa ay ula soo kulmeen madaxweyne yaasha maamulada Puntland iyo Soomaaliland .
Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay intii uu kulanka socday .
Sawiro.
COMMENTS