Maxay ka wada hadleen Qoorqoor & Danjiraha Shiinaha ee Dalka Soomaaliya?

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor & Danjiraha Shiinaha ee Dalka Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Kulan la qaatay Danjiraha Dalka China u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dhiirigelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda China.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa ku sugan toddobaadyadii la soo dhaafay caasimada dalka ee Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com