Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Ganacsatada Gobolka Banaadir?

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Ganacsatada Gobolka Banaadir?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan xalay la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.

Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha .

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ganacsatada gobolka Banaadir war ay soo saareen ku sheegeen in laga bilaabo maanta ay xiridoonaan goobahooda ganscsi, iyaga oo cabasho ka ah canshuuraha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com