Maxay ka wada hadleen sheekh Aadan Madoobe & dhigiisa Imaaraadka Carabta?

Maxay ka wada hadleen sheekh Aadan Madoobe & dhigiisa Imaaraadka Carabta?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada kulanka maanta ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com