Maxay ka wada hadleen Wasiirada Arimaha Dibadda ee Turkiga & Soomaaliya?

Maxay ka wada hadleen  Wasiirada Arimaha Dibadda ee Turkiga & Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyada oo la isla meel dhigay ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka Afrika iyo Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com