Maxay kawada hadleen Deni iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal?

Maxay kawada hadleen Deni iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal?

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Xalay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Deni iyo Xildhibanada ayaa ka wada hadlay khilaafka mudada dheer ka dhex aloosan madaxda DF iyo Puntland iyo weliba sidii khilaafkaas meesha looga saari lahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay Xildhibanada labada aqal ee ka soo jeeda degaanadaas in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal uu la galo DF balse taas maamulka Xassan Shiikh hogaamiyo aysan diyaar u aheyn sida laga soo xiganay qaar ka mid ah xubnaha labada Aqal ee ka qeyb galay kulankaas.

Xildhibanada labada aqal ayaa balan-qaaday iney ku dedaalaayaan marka ay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho iney ka shaqeeyaan sidii loo hagaahin lahaa xiriirka DF iyo Puntland ayna kulamo arrintaas la xiriira la qaadan doonaan madaxda dalka si wax xaliyo tabashooyinka Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com