Maxay yihiin diyaaradaha halista abdan ee ay Masar kasoo iibsanayso dalka Shiinaha

Maxay yihiin diyaaradaha halista abdan ee ay Masar kasoo iibsanayso dalka Shiinaha

Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneysa inay kasoo iibsato Shiinaha diyaarado cusub oo dagaal, iyadoo xiisadda kala dhexeysa Itoobiya ay sii kordheyso. Masar ayaa heshiis cusub la gashay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay in ay ku iibsato diyaaradaha dagaalka ee J-10C, si ay u bedesho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons.

Ilo-wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in heshiiska Masar iyo Shiinaha uu la saxiixday bishii August ee sanadkan 2024. Haddii ay Masar hesho diyaaradaha J-10C, waxay noqon doontaa dalka labaad ee haysta diyaaradahaas, iyadoo Pakistan ay horey u heshay.

Heshiiskan ayaa ka dhaliyay hadal heyn xooggan oo ku saabsan diyaaradaha cusub ee Masar raadinayso, iyadoo ay si weyn isu hayaan Itoobiya, gaar ahaan arrinta Biyo-xireenka Wabiga Niilka

Dhanka kale, Itoobiya ayaa iyaduna sameyneysa diyaar-garow dagaal, iyadoo dhowaan soo bandhigtay gantaallada baalistiga ah ee M-20, kuwaas oo ay keentay xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ayaa inta badan ku saleysan muranka ka taagan isticmaalka biyaha Niilka iyo saamaynta uu ku leeyahay Biyo-xireenka Itoobiya dhiseyso.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa imaanayo maalmo uun kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com