Maxay yihiin go’aanada lagu raali galinaayo Bajaajleyda ee uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir

Maxay yihiin go’aanada lagu raali galinaayo Bajaajleyda ee uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno degdeg ah oo ku saabsan adeegga mooto bajaajta ee ka howlgala magaalada Muqdisho. Go’aannadan cusub ayaa la xiriira qiimaha leysinka, ganaaxa, iyo shuruudaha kale ee ku xeeran isticmaalka mootooyinka bajaajta.

Faahfaahinta go’aannada cusub ee la soo saaray ayaa kala ah:

1. **Qiimaha Leysinka:** Waxaa la dhimay qiimaha leysinka mooto bajaajta oo laga dhigay $106.5, halka markii hore celcelis ahaan uu ahaa $200.

2. **Ganaaxa Dib u Cusbooneysiinta Leysinka:** Haddii uu leysinka kaa dhaco, waxaa lagu ganaaxi doonaa $32, halka haddii uu kaa lumo uu ganaaxa noqon doono $20.

3. **Mudada Dhicista Leysinka:** Mudada dhicista leysinka oo markii hore ahayd saddex sano ayaa hadda laga dhigay shan sano, taasoo u sahlaysa milkiilayaasha mootooyinka bajaajta in ay muddo dheer ka shaqeyn karaan iyagoo aan cusbooneysiin sameynin.

4. **Ganaaxa Qof aan Leysin lahayn:** Ganaaxa qofkii lagu qabto isagoo aan leysin lahayn ayaa laga dhigay $5, halka markii hore uu ahaa $50.

5. **Qiimaha Warqadda Caafimaadka:** Qiimaha warqadda caafimaadka ayaa sidoo kale la dhimay, iyadoo laga dhigay $15, halka markii hore uu u dhaxeeyay $25 ilaa $30.

6. **Qiimaha Warqadda Dhalashada iyo Sugnaanta:** Qiimaha warqaddan ayaa la go’aamiyay in ay noqoto $10.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yahay mid looga gol leeyahay in lagu fududeeyo xaaladda dhaqaale ee milkiilayaasha iyo darawalada mooto bajaajta, iyadoo la dhimayo culaysyada la xiriira kharashaadka la xiriira leysinka iyo shuruudaha kale. Go’aanka waxaa gaarey Wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka Gobolka Banaadir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com