Maxkamad ku Taal Malta oo wiil Somali ah Xukuntay

Sabti, Feberaayo 06, 2016 (Daljir) —Warbaahinta Jesiiradda Malta ayaa  shaaciyey in Nin Somali oo 21-jir ah lagu xukumay Xabsi 2-sanno iyo ganaax dhan 2,300 ee Lacagta Euro, kadib, markii lagu helay inuu  gaari ka dhacay Tuulladda Munaksar ee Konfurta Degmadda Gozo ee dalkaasi, isla markaana uu shil galay.
 
Eedeysanaha oo shalay la soo taagay Maxkamadda ayaa waxaa kaloo lagu soo oogay inuu diiday in laga qaado Imtixaanka Neefsashada (a breathalyzer test) ee lagu ogaado inuu qofka cabsan yahay iyo in kale.
 
Eedeysanaha waxa uu gaarigii uu soo dhacay la galay shil, isagoo waxyeello gaarsiiyey 3 gaari.
 
Dhinaca kale, Garsooraha Maxakmadda waxa uu Eedeysanaha ka mamnuucay in la siiyo Laysinka Wadista Gaadiiska muddo hal sanno ah.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com