Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku ridey dagaalame ka tirsanaa Daacish

Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku ridey dagaalame ka tirsanaa Daacish

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Nin lagu eedeeyayin uu horay u dilay Askari ka tirsanaa Ilaalada Degaanka Xamar ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Cali Maxamed Faarax oo ku dhashay Kismaayo ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanyahay Ururka Daacish sidoo kalena dilay Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo uu Bishii August 2019kii ku dilay Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda.

Ninkan ayaa la sheegay in Ururka Daacish uu uga biiray Buuraleyda Galgala ee Puntland halkaas oo ay ka dagaallamaan Daacish faraceeda Soomaaliya.

Qareennada u doodayay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanaha ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ku dhawaaqay in Maxamed lagu xukumay dil toogasho ah.

Cornel Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay Maxamed Cali Maxamed Faarax uu khirtay dhamaan eedama loo jeediyay,haatana loo xukumay dilka Marxuum Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo ka tirsinaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com