Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.
Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta 01 August ee Sanadkan waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.
Cabdullaahi Cali Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan, waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsaday in
Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.
COMMENTS