Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari oo xukun ku riday Odayaal lagu hayay xabsiga Boosaaso (daawo)

Maxkamada Darajada 1aad  ee gobolka Bari oo xukun ku riday Odayaal lagu hayay xabsiga Boosaaso (daawo)

Maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Bari ee degmada Bosaso ayaa maanta xukuno xabsi ah ku riday odayaal iyo siyaasiyiin horay dwladda uu hogaamiyo madaxwayne Siciid Deni dhaliilo usoo jeediyay.

Nabadoon Cabdicasiis Baydhabood ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000, halka Muuse Cali Jaamac lagu xukumay sadex bilood oo xabsi ah iyo $500 oo ganaax ah.

Guddoomiyaha maxkamada Abuukar Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Daawo.

 

Xukunka maxkamada.

Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari ayaa xun xarig iyo ganaax isugu jira ku riday odayaal iyo siyaasiyiin dowladda uxirnaa oo dhaliilay hanaanka ay dowladda u shaqayso.Waxaa lagu soo eedeeyay kicin daadweyne iyo aflagaado madaxda sare loo gaystay.Raga la xukumay oo tiradooda ay gaaraysay ilaa iyo 5 qof ayaa kala Nabadoon Maxamed aadan Rooble Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo midkiiba waxaa lagu xukumay 2 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1000 doolarMuuse Cali jaamac Cabdilaahi Cali Buux Ceel Maxamed waxaa iyana lagu xukumay midkiiba 3 bilood oo xarig ah iyo ganaxaa lacageed oo dhan 500 oo doolar.eedeenta xeerilaalinta waxaa qayb ka ahayd aflagaado loo gaystay madaxweynihii hore ee Puntland Cbadiwali Gaas.Racfaan ayaa ka furan xukunka.

Posted by Radio Daljir on Sunday, January 5, 2020

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com