Maxkamadda Gobalka Galgaduud oo xukun ku riday nin lagu eedeyeey kufsi gabar yar

Maxkamadda Gobalka Galgaduud oo xukun ku riday nin lagu eedeyeey kufsi gabar yar

Waxaa maanta lasoo geba-gabeeyay fadhiyo dhowr ah oo ay maxkamada Gobolka Galgaduud ka yeelatey dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heystay Maxamed Cabdi dhoore, oo ay Maxkamaddu gobalka Galmudug kusoo eedeeysay kufsi iyo Af-duub uu ka geeystay Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud 19-8-2021, falkaasi uu kula kacay Gabar 6-sano jir aheed isla markaana uu u geeystay dhaawac xoog leh.

Cabdixakiin Maxamed Xirsi, xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud ayaa fadhiyada kala dambeeyay ee maxkamada kusoo bandhigey qiraal laga qoray eedeysanaha iyo cadaymo kale oo muujinayay sida falku u dhacay oo ay ka mid yihiin warqada dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirada goobta oo dhamaantood xeer ilaalintu dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

Dhanka kale Axmed Salaad Kullane, Garsooraha Maxkamada gobolka oo dhageystay darafka kale ee dacwada ayaa ka codsaday Maxkamadda iyadoo la eegayo qiraalka eedeysanaha in la qafiifiso ciqaabta uu wajahi karo, waxuuna xiritaankii fadhiga Maxkamadda kaga dhawaaqay xukun dhan 5-sano xabsi ah iyo bixinta labo halaad oo Maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga Gabadha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com