Mayd Maraakiibta Jariifka laga soo Tuuray oo ku soo Caariyey Xeebta Degmadda Eyl (dhegayso)

Mayd Maraakiibta Jariifka laga soo Tuuray oo ku soo Caariyey Xeebta Degmadda Eyl (dhegayso)

Guddoomiyaha degmadda Eyl ee gobalka Nugaal Muuse Cismaan Yuusuf oo Daljir waraysi siiyey ayaa ka hadlay mayd ku soo caariyey xeebta degmadda Eyl ee gobalka Nugaal. Muuse ayaa sheegay in maydkaas laga soo tuuray doonyaha ama maraakiibta ka jariifta xeebaha Puntland ee aagga Eyl. Ninka anjabiga oo gacmaha ka xiran ayaa inta badan jirkiisii isbadalay.

Xeebaha degmadda Eyl ee gobalka Nugaal waxaa ka kalluumaysta maraakiib raxanraxan u socda oo kuwa jariifka ah ayna wada leeyihiin ajaanib.  Maraakiibta jariifka ayaa isugu jira kuwa aan sharci haysan iyo kuwa si sharcidarro ah sharci loo siiyey.

Guddoomiyaha ayaa noo sheegay in ay maydka sawirro ka qaadeen, xiriirna la sameeyeen Dowladda Puntland. Hoos kaga bogo waraysiga Guddoomiyaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com