Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya (DFS) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku joogey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta soo afmeeray socdaalkiisa. Intii Madaxweynuhu uu ku sugnaa Garoowe asaga oo ka soo qaybgalay caleemasaarkii madaxweynaha Puntland wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.
Radio Daljir waxaa u suurtagashay in Madaxweynaha oo ka duulaya garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Abshir in aan waraysi kula yeelano qaybta nasashada ee VIP-da. Madaxweyne Farmaajo waxaan wax ka weydiinay kulamadii uu bulshada la qaatay intii uu ku sugnaa Garoowe.
Hoos kaga bogo.
COMMENTS