MID KA MID AH GAADIIDKA CIIDANKA PUNTLAND OO MIINO KULA KACDAY SUGURRE.

MID KA MID AH GAADIIDKA CIIDANKA PUNTLAND OO MIINO KULA KACDAY SUGURRE.

inta la hubo afar askari ayaa dhimatay, tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii miino la kacday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka Puntland ee ka hawlgala buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Gaariga miinadu la kacday oo ay saarnaayeen tiro askar ah, ayaa qarax miino ku haleelay togga Sugurre oo ka mid ah meelaha ay farriisimada ku leeyihiin ciidamada difaaca Puntland ee qaabilsan dhulka buuralayda ah ee Galgala.

Askartii ku dhaawacmay qaraxaasi miino ee dhulka lagu aasay ayaa loo soo qaaday Bossaso si xaaladdooda caafimaad loola tacaalo.

Gaariga weerarkaasi qarax la kulmay ayaa si gaar ah uga tirsanaa ciidamada PMPF ta sida saraakiil amniga ahi noo xaqoojiyeen, ciidankaasi oo la mid ah kuwa difaaca iyo amniga ee Puntland.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com