Mid kamid ah Hogaanka Dhaqanka Somaliyeed oo Baladweyne ku Geeriyooday

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku geeryooday allaha unaxariiste Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kamid ahaa Ugaasyada gobolka Hiiran.

Wararka ayaa sheegaya in Ugaas xili loo fadhiyey  Saaka shir uu ka qayb galay uu xanuun kusoo booday, kadib na loo qaaday Isbitaalka halkaas oo uku dhintay.

Ugaaska ayaa kamid ahaa Ugaasyada sida weyn looga yaqaan gobolka Hiiraan,isagoo xubin fir fircoon ka ahaa Isimada gobolka, in badan waxaa uu ka qayb qaatay shirar looga hadlayey xaalada gobolka Hiiraan iyo kuwa maamul usamaynta.

Dhawaan waxaa uu Baladweyne ka furay shir looga hadlayey dib udhiska Garoonka iyo Ayaaha gobolka Hiiraan,Shirka oo Ugaasku uu soo abaabulay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com