Mid kamida Suuqyada Muqdisho oo Albaabada loo laabay

Mid kamida Suuqyada Muqdisho oo Albaabada  loo laabay

Wararka naga soo garaya Suuqa wayn ee loo yaqaan Suuq-boocle  kuna yaala dagmada Dharkiinle ayaa sheegaya in maanta gabi ahaanba Suuqaasi uu xiranyahay .

Ganacsatada ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in lagu kordhiyay qiimaha Canshuurta , taas oo ay ganacsatada ka biya diideen .

Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dharkiinley oo  Suuqa soo galay  ayaa markii dambe waxaa ay xireen qaar kamid ah ganacsatadii gadooday .

ilaa iyo hada maamulka  degmada Dharkiinley kama uusan hadlin xirnaanshaha Suuqa .

Arintan ayaa waxa ay saameen ku yeelatay dadkii  danyarta ahaa ee Suuqaasi ka adeegan jiray iyo kuwii  ka shaqaysan jiray .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com