Midowga Afrika oo shaaciyay tirada dalalka Afrika uu soo gaaray Coronavirus

Midowga Afrika oo shaaciyay tirada dalalka Afrika uu soo gaaray Coronavirus

Midowga Afrika ayaa waxaa ay qoraal kusoo saareen tirada dalalka Afrika ee uu soo gaarey Cudurka Coronavirus, kaas oo kasoo bilaawdey dalka Shiinaha,sidoo kale dalal badan oo Caalamka ah dad badan ugu dhinteen.

Qoraalka Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa iyo hadda Cudurka Coronavirus uu soo gaarey Lix kamid ah wadamada Afrika,kuwaas oo kala ah dalalka, Aljeeriya,Masar Neyjeeriya, Marooko, Senegaal iyo Tunusia.

Wadamo badan oo Caalamka ah ayaa waxaa haatan laga soo sheegayaa in uu ku faafay Cudurka Coronavirus,waxaana jira sidoo kale wadamo kale oo Cudurkaas difaac adag uga jira,isla markaana dadka galaya baaritaano xoogan lagu sameynayo.

Hoos Ka Akhriso Warbixinta Midowga Afrika ay kasoo saareen Cudurka Coronavirus.

 

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com