Midowga Musharaxiinta oo cambaareeyey Madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo cambaareeyey Madaxweyne Farmaajo

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen Magacaabistii Taliyaha Kumeel gaarka ah ee NISA & la-taliyaha Amniga Qaranka ee uu Farmaajo u Magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha Hay’adda NISA.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu cambaareeyay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga sheegay in ay tahay mid baal marsan sharciga, sidoo kalena lagu carqaladeeynayo howlaha doorashooyinka.

Waxaa ay sheegeen in Goluhu ay u arkaan tallaabada uu qaaday Farmaajo mid lagu carqaladeeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare
Maxamed Xusen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah furan iyo Caddaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahlil, sidoo kalena lagu xagal daacinayo doorashooyin daahfuran waqtigoodana ku dhaca.

” Goluhu waxa uu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in ay ogaadaan in go’aannadaas ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu khalkhal galiyo xasiloonida iyo ammaanka aan caga badan ku taagneyn ee dalka, saraakiisha ciidanka waxaan
ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin go’aannada Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ee sharciga baalmarsan ayaa lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Qoraalada kasoo kala baxay labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa sii xoojinaya khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com