Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay Kulanka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland

Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyay Kulanka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland

Golaha Midowga Musharixiinta Muqdisho, ayaa soo dhoweeyay dadaalka Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ku doonayaaan xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashada heer Federaal, gaar ahaanna Guddiga doorashada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta, ayaa lagu amaanay dadaalka labada Madaxweyne ee ku wajahan xallinta Khilaafka Guddiga Doorashada iyo hirgelinta doorasho lagu midaysanyahay.

Sidoo kale, Goluhu wuxu ka digay cid kasta oo isku dayda in ay carqalad ku samayso dadaalka labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ku doonayaan in la xalliyo muranka Doorashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com